Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Dowladdda Soomaaliya oo Lacag Cusub oo Shinsomali ah soo Daabacdey
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:20
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Apr 15 2008
Dowladdda Soomaaliya oo Lacag Cusub oo Shinsomali ah soo Daabacdey
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 15 April 2008

Mugdisho,(insidesomalia.org)- Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo daabaceyso lacag cusub oo ay shacabka uga baxaan qiimo dhaca ku yimid lacagta Shilin Soomaaliga iyo weliba xiisadda ka dhalatay diidmada lacagta duugowday ee Shilin Soomaaliga ah.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe waxaa uu sheegay in lacagta ay soo daabaceyso Dowladda ay noqon doonto mid casri ah oo aan la been abuuri karin, isla markaana leh sir lagu garto rasmi ahaanshaha lacagta, isagoo xusay in ay soo daabicidda lacagta ay la kaashan doonaan Hay’ado waa weyn oo lacagaha daabaca.

Bashiir Ciise Cali, Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in lacagta ay soo daabaceyso Dowladda Federaalka ay noqonto mid leh lacag ka yar kana weyn Kunka Shilin, halka haatan ay Lacagta Shilin Soomaaliga ah isugu soo hartay kaliya Kunka Shilin.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya in aysan iska lumin lacagta duugowday ee Kunka Shilin ee ay haatan ganacsatada ku diidan yihiin, wuxuuna sheegay in ay lacagtaas shacabka u bedeli doonaan marka la soo daabaco lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga.

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe waxaa uu beeniyay hadal uu shalay sii daayay Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, kaasi oo ahaa in sicir bararka ka jira Soomaaliya ay ka dambeeyaan Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya oo sida uu yiri doonaya in uu qiimo dhaco Shilinka Soomaaliga, kadibna ay dadka Soomaaliyeed isticmaalaan Birta Itoobiya, “Warkaas waxba kama jiro, sicir bararka jirana kama dambeyso Dowladda Federaalka, dhawaan marka lacagtaas la soo daabacana waa iska soo dhamaan doonaa sicir bararka jira iyo qiimo dhaca ku yimid Shilinka Soomaaliga”ayuu yiri Guddoomiyaha Bangiga Dhex ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Hadalka uu maanta sii daayay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo magaalada Muqdisho uu ka taagan yahay sicir barar ka dhashay qiimo koror ku yimid Raashinka quutul-daruuriga ah iyo diidmo ku timid lacagta duugowday ee Shilin Soomaaliga ah.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >